Ciidamada dowlad goboleedka Puntland ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxa ay baaritaano ka wadaan deegaano ku teedsan deegaanka Af-urur ee Gobolka Mudug.
Baaritaanada ayaa la sheegay in ay timid kadib markii tiro madaafiic ah lagu weeraray fariisinka Ciidamada Puntland ee Af-urur,waxaana haatan deegaankaas laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyada Ciidamada Puntland.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya inuusan jirin ilaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaasi,balse waxaa la sheegay in ciidamadu ay wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay deegaanada buuraleyda ah ee Gobolka Bari ay ka saari doonaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish wallow taasi aysan weli hirgelin.