Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgal qorsheysan ay sameeyeen Xaafaddo ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay xaafado bartilmaameed u ahaa , waxaana inta uu socday howlgalka lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo la isugu geeyay goob barxad ah.
Dad ku sugan Degmada Wadajir ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen dhalinyaro badan oo lagu soo qabtay howlgalka, isla markaana baaritaano kala duwan ay Ciidanka ku sameenayeen, iyagoona qaarkood siidaayay dadka.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in howlgalka inta badan uu socday baaritaano kala duwan lagu sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay Xaafado ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka amniga ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid amiga lagu xaqiijinayay, maadaama xiliyada qaar ay gudaha Caasimadda ka dhacaan falal amniga lid ku ah.