Tan iyo wixii ka dambeeyay xalay markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya uu rasaas ku furay goob ay dad shacab ah ku sugnaayeen waxaa jiray howlgal xooggan oo ay wadaan ciidamada Booliiska Soomaaliya oo ku aaddan sidii loo soo qaban lahaa Askarigaasi.
Askariga ayaa la sheegay in rasaas uu si indho la’aan ah uu ugu furay goob ganacsi oo dad badani ay fadhiyeen halkaas oo uu ka dhashay khasaare kadib markii ay haweeneey ku geeriyootay rasaastaa.
Intaas kadib Askariga ayaa goobta iskaga baxsaday waxaana jira dhinaca kale baadi goob ay wadaan ciidamada Booliiska eek a howlgala degmada Dayniile oo falkaas uu ka dhacay kuna aadan sidii loo soo qaban lahaa Askariga dilka geystay.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in Askarigaasi uu rasaasta ku furo dadkaas shacabka ahaa hase’ahaatee inta badan waxaa dhacda in Askrata ciidamada dowladdu sidaas oo kal ay dilal kala duwan uga geystaan Muqdisho.