Ciidanka amniga Maamulka Jubbaland ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayeen falal amni darro.
Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidk isticmaalayay waddooyinka Kismaayo inta uu socday howlgalka, iyagoona Ciidanka mararka qaarkood la arkayay iyaga oo galaya Xarumo ganacsi oo la baarayay.
Sidoo kale Ciidanka ayaa la tilmaamay in howlgal gaar ah sameeyeen Guryo ku yaalla xaafadda Guulwade, waxaana dadka qaar la weydiinayay su’aalo la xiriira dhinaca amniga.
Ciidanka amniga Jubbaland ee xalay howlgalka sameeyay ayaa su’aalo dhowr ah weydiinayay dhalinyaro farabadan oo ku sugnaa hareeraha laamiga, waxaana warar qaarkood ee la helayo sheegayaan in Ciidanka howlgalka ay ku qabteen dad dhowr ah.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dilal qorsheysan, iyadoo halkaas dhawaan lagu dilay maamulihii shirkadda Amal Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow, sidoo kalena habeen hore qof shacab ah rag hubeysan ay ku dileen Isgoyska Staar ee Kismaayo.
Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan sidii loo qaban lahaa dadkii ka dambeeyay dilkii loo geystay  Cabdullaahi Shigshigow, waxaana Jubbaland sheegtay in tallaabo laga qaadi cidii loo qabta falkaas.