Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay howlgalo kala duwan waxaa ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamada ayaa howllgaka sigaar ah uga sameeyay Xaafadda Calanlay ee Kismaayo,kadib markii habeen kahor halkaas lagu dilay Nabadoon Saciid Ciise Cabdi oo loo yaqaanay (Ciise Adoon), isla markaana waxaa lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ka sameeyeen Calanlay uu ahaa mid qorsheysan, laguna soo qabtay badan oo loo shakiyay falal amni darro.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay in baaritaano kala duwan ay ku wadaan dadkii lagu qabtay howlgalka,isagoona xusay in dadkaas ay ku jiraan kuwao looga shakisanyahy inay ka dambeeyeen falal amni darro.
 “Ciidamada Ammaanka Jubbaland waxay sameeyeen howlgallo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada , waxaana lagu soo qabqabtay dad badan,baaritaan ayaan sameynay waan sii daynay dadkii lagu waayay falal danbiyeedka waxaan wali baaritaan ku socda dad laga shakisanyahy,howlagaladan wey socon doonaan’’ayuu yiri Cabdinuur Ibraahim Xusseen.
Ujeedka howlgalladan laga sameeyay Kismaayo ayaa laamaha amniga maamulka Jubbaland waxaa ay ku sheegeen inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay amaanka Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland.