Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa saakay howlgalo baaritaano ah waxa ay ka sameeyeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho,howlladaas oo dad badan lagu qabqabtay.
Howlgalka ayaa Ciidamadu intiisa badan waxa ay ka sameeyeen agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku dhaw Isgoyska KM4 ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada ayaa waxa ay howlgalkaas ku qab qabteen dad dhalinyaro u badan kuwaas oo la arkayay iyagoo Ciidamadu saaraya Gawaari ay wataan oo yaalla Hareeraha laamiga xaafada Taleex ee degmada hodan.
Weli lama oga tirada rasmiga ah oo ay ciidamadu ku qabteen howlgalkaas balse Ciidamadu ayaa weli lagu arkayaa Wadada Taleex ilaa Madaxtooyadii hore ee C/qaasim Salaad Xasan.
Tan iyo markii la sameeyay Ciidamada xasilinta amniga ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho ka wadaan howgalo aan kala joogsi laheyn,iyagoo habeen iyo Maalin lagu arkayo Wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Muqdisho.