Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,kadib markii xalay halkaas uu ka dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan waxa ay ka sameeyeen Xaafado ku dhow Shaleemo Liibaan,isla markaana waxa ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaasi oo looga shakiyay lala amni daro.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dadkii lagu soo qab qabtay howlgalkaas la geeyay Saldhiga Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir si baaritaano kala duwan loogu sameeyo.
Rag ku hubeysnaa Bastoolado oo watay gaari nooca Raaxada ah ayaa xalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogan dalka ku dhaawacay Kaaraan,sidoo kalena dilay qof la socday Sarkaalka,xili ay ku sugnaayeen Shaleemo Liibaan oo ku taalla inta u dhexeeya Saldhiga iyo Xarunta Degmada Kaaraan.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha internet-ka Al-shabaab ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyadda weerarkii xalay ka dhacay gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir,iyagoona sheegay inay ku dileen weerarkaas sarkaal iyo askari ilaalo u ahaa.