Ciidamo ka tirsan kuwa laamaha amniga dalka Kenya xalay waxaa ay howlgal ballaaran ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Islii ee Nairob, waxaana lagu soo qabtay intii uu socday howlgalka dad badan oo ay ku jiraan Arday.
Booliska Kenya ayaa shaaciyay in 43 qof oo u badan dhalinyaro lagu soo qabtay howlgalka, kuwaasi oo 38 kamid ah ay yihiin Arday wax ka barata Iskuulo ku yaalla dalkaas.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa waxaa ay sheegeen in dadkan looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana ay qaadanayeen tababar ku aadan arrimahaas.
Si kastaba deegaano ka tirsan dalka Kenya ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca weeraro qorsheysan oo ay inta badan geystaan dagaalamayaasha Al-shabaab.