Linda Bannon waa Hooyo Maraykan ah oo ku dhalatay iyadoo aan lahayn labada gacmood, waxayna sheegtay inaysan dhibaato kala kulmin si ay u maarayso nolosheeda.
Linda Bannon oo 36 jir waxay dhashay wiil iyadoo kale oo aan wax gacmo ah lahayn, waxayna lugahooda u adeegsadaan inay wax ku cunaan, wax ku sawiraan  ama ku garaacaan Kitaarka.
Haweenyadaasi waxay lugaheeda u adeegsataa sida gacmaha oo kale, wax bay ku qori kartaa, weyna ku dabaalan kartaa.’
Waxay sheegtay inay Arday ahaan jirtey, isla markaana ay qaban jirtey waxa ay gabdhaha kale qabtaan.
Waxa keliya oo ay haatan awoodin ayaa ah inaysan kaxayn Karin gaadiidka Is-wada (automatic), sababo dhinaca ammaankeeda.
Xigasho: Mirror