Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, gaar ahaan deegaanka Hilme ayaa ku waramaya in Hooyo iyo labadeeda caruur ay gaajo iyo haraad darteed ugu geeriyoodeen deegaanka, Kadib markii ay waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan.
Qaar ka mid ah dadka deegaana ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey dhimashada Seddex qof oo ah hooyo iyo laba caruur ah ay dhashay, waxaana ay dadku inoo sheegeen in xaalado dhinaca nolosha ay ka taagantahay deegaanka Hilme ee gobolka Mudug, islamarkaana saameyn xoogan ay ku yeelatay abaarta ka jirta gobolka.
Inkastoo uu socdo gurmadka abaaraha, hadane waxaa jira dhibaatooyin ka taagan deegaano ka mid ah gobolada, waxaana la soo warinayaa xaalado dhinaca nolosha oo ka jira meelo ka mid ah dalka, dadkuna wali waxaa ay u baahanyhiin gurmad intaasi ka ka badan.