Dayanka Hoobiyayaal tiradooda lagu sheegay ilaa 4 xabbo ayaa duhurnimaddii maanta laga maqlay magaalladda Muqdisho.
Madaafiicdaasi ayaa la sheegay inay ku habsadeen Xaafadaha ku yaalla dhabarka dambe ee Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka Deegaanka oo la hadlay Warbaahinta.
3-qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen Duqeyntaasi oo lagu soo beegay wax yar kadib markii Xarunta Villa Somalia lagu soo gebagebeeyey Munaasabaddii uu Madaxweyne Farmaajo kula wareegayey Xilka Madaxweynaha.
Ma cadda halka laga soo tuuray Hoobiyayaashaasi, mana aha markii ugu horreysay ee Hoobiyayaal ku soo dhacaan Daafaha Xarunta Villa Somalia.
©Radio Dalsan