Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Kulanka James Swan iyo MXQ waxaa diiradda lagu saaray doorashada dalka, caqabadaha hor taagan iyo kaalinta Xisbiyada dalku ku leeyihiin sidi loo qaban lahaa doorasho aan waqtigeeda kadib dhicin oo geeddi socodkeeda raalli laga wada yahay.
Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxweyne hore Mudane Sh. Shariif Sheekh Ahmed, Guddoomiyaha Xisbiga UPD, Madaxweyne hore mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa kulanka qayb ka ahaa, waxaana Xisbiyada kale ee Madasha ku jira kamid ah Xisbiga Kulan, Xisbiga Horusocod Qaran, Xisbiga Nabadda iyo Xisbiga Himilo Qaran.