Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi Igor Konashenkov ayaa maanta sheegay in Hoggaamiyahaasi oo lagu magacaabo Abu Mohamed Al-golaani si xun loogu dhaawacay Duqeyn Diyaaradeed.
Hoggaamiyaha Kooxda Taxriir Al-shaam ee dalka Syria ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus, isla markaana ay gacan ka go’day, sida uu sheegay Afhayeenka u hadlay Raashiya.
Duqeyntaasi oo dhacday shalay ayaa la sheegay in lagu dilay 50-Askari iyo 12 Taliyayaasha Aagga Hore ee Kooxdaasi oo horey loo oran jirey Jabhadda Al-nusra Front.