Aqoonyahanka Islaamiga ee Christopher Anzalone ee fadhigiisu yahay Maraykanka ayaa sheegay inuu Hoggaamiyaha ugu doon-doonista badan Daacishta Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin weli nool yahay, inkastoo ay warar hore sheegeen inuu ku geeriyoodeen duqeyn ka dhacday Puntland.
Sheikh C/qaadir Mumin oo 70-jir ah laguma arkin Fagaarayaasha, tan iyo markii ay Maraykanka sheegeen inay duqeyn ku dileen bishii Maarso ee sannadkan.
Muuqaal lagu soo bandhigay Wakaalladda Wararka u faafisa kooxda Daacish ee AMAAQ ayaa waxa ka muuqday Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, Sheekh C/qaadir Muumin oo la sheegay inuu weli nool yahay.
Muuqaalkaasi oo socday muddo 4 daqiiqo iyo 45 seken waxa kaloo ka muuqday 15 Maleeshiyo wejiga u daboolan yahay, kuwaasi oo qeyb ka ah Maleeshiyadda u daacadda ah Hoggaamiyahaasi.
Inkastoo ay warar dhawaanahan soo baxay sheegayeen inuu Hoggaamiyahaasi xanuunsan yahay, haddana waxa uu mar kale ka soo muuqday Muquaalka Cusub, wuxuuna soo cusbooneysiiyey Heshiiska Baayacda (بيعة) ee uu la galay Hoggaamiyaha Guud ee Kooxda Daacish, Abu Bakar Al-baqdaadi.
Diyaaradaha Dagaalka Maraykanka ayaa waxay dhowr jeer duqeyn la beegsadeen Maleeshiyadaasi, iyadoo Sarkaalkii ugu darajada sarreeyey ee lagu dilay Duqeymaha Maraykanka ahaa Ku-xigeenkii Hoggaamiyaha Daacish-ta Somalia, oo lagu magacaabi jirey C/xakiim Maxamed Ibraahim “C/xakiim Dhoqobâ€.
Duqeyn ay Diyaaradaha Maraykanka qaadeen bartamihii bishii April ee sannadkan ayey ku dileen Hoggaamiyahaasi oo gaari ku marayey deegaanka Xiriiro ee Buuraha Degmadda Qandala oo 75 KM u jirta magaalladda Bosaaso.