Wargeyska Mail Online ayaa maanta qoray inuu Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah soo saaray War Saxaafadeed uu ugu baaqay Muslimiinta ku nool Ethiopia, Jabuuti, Uganda iyo Afrikadda Dhexe inay yimaadaan Xerooyinka Tababarka Alshabaab, si ay ugu biiraan Dagaalka Jihaadka.
Ahmed Omar Abu Cubaydah waxa uu ku booriyey Muslimiinta ku nool Qaaradda Afrika inay ku soo biiraan Jihaadistayaasha ku sugan goobaha dagaalka ee Caalamka oo dhan, isla markaana ay dalalkooda ka xoreeyaan Kufaarta, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu sheegay inay Alshabaab diyaar u yihiin inay tababar iyo hub siiyaan Muslimiinta ku dulman Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.
Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah waxa uu ku eedeeyey Dowladaha Reer Galbeedka inay tacadiyo, basaas, duqeyn iyo caburin ku hayaan Dhallinyarradda Muslimiinta ah, isla markaana ay doonayaan inay kala qeybiyaan Muslimiinta, waa sida laga soo xigtay Hoggaamiyahaasi.
Dhinaca kale, bilowgii bishan Wargeyska MailOnline waxa uu qoray in Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah ka mid yahay Taliyayaal Sare oo ka tirsan Alshabaab oo u codeeyey inay Isbahaysi la yeeshaan Kooxda Daacish (IS), si ay uga taageeraan dhismaha Dowladda Islaamiga ee Bariga Afrika.
Muuqaal Video ah oo ay Hoggaamiyayaasha Daacish soo saareen bishii Maarso ee sannadkan, waxay Hoggaanka Alshabaab ku booriyeen inay ku soo biiraan Daacish, kana baxaan Isbahaysiga ay la lahaayeen Ururka Alqaacida.
Baaqaasi ayaa looga codsaday Alshabaab inay dagaal Jihaad ah ku qaadaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania.
Wargeyska MailOnline ayaa qoray in Shir qarsoodi ah oo ay Madaxda Alshabaab ku yeesheen Gobalka Jubbadda Dhexe bilowgii bishan ay kaga hadleen inay ka baxaan Isbahaysiga Alqaacida, kuna biiraan Daacish.
Taliye Sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa u sheegay Wargeyskaasi inay weli socdaan dadaalka, iyadoo goรขโฌโขaanka Kama Dambaysta lagu dhawaaqi doono maalmaha ama bilaha soo socda.
Wuxuuna intaasi ku daray inay รย Hoggaamiyayaasha Alshabaab iminka wada saaran yihiin Hal Dooni.
Xarakadda Alshabaab oo la asaasay sannadkii 2006-dii ayaa waxaa la rumeysan yahay inay leeyihiin in ka badan 9,000 oo dagaalyahan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 u dhalatay dalka Britain.
รยฉ Radio Dalsan