Ayman Al-zawahari ayaa ugu baaqay Jihaadistayaasha Sunniyiinta inay Dagaal Jabhadayn ah ku qaadaan Madaxweyne Bashaar Alasad iyo Isbahaysiga Iiraaniyiinta.
Farriin Cod ah oo la soo dhigay Baraha Internetka ee Alqaacida waxa uu ugu baaqay Dagaalamayaasha inay u diyaar garoobaan Dagaal muddo dheer socda oo ay la galaan Isbahaysiga Reer Galbeedka ee ku sugn dalalka Iraq iyo Syria iyo Shiicadda Iiraaniyiinta taageeradda siinaya Madaxweynaha Syria, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Ayman Al-zawaahiri waxa uu ku booriyey Dagaalamayaasha Alqaacida inay beegsadaan Caddowga iyo inay Xukunka Shareecadda Islaamka ku soo rogaan dalka Syria.
©Radio Dalsan