Andargachew ‘Andy’ Tsege, oo ahaa hogaamiye sare oo mucaaradka Itoobiya ka tirsan islamarkana ku xukunnaa dil ayaa xabsiga laga siidaayay maanta ,waxaa sidaasi sheegaya wariyaha BBC qaybta Amxaariga Kalkidan Yibeltal.
‘Andy’ Tsege,oo sidoo kale haysta dhalashada dalka Britain ayaa imika dib ula midoobay qoyskiisa.
Siideynta ayaa waxaa si wayn u sugayay waalidiinta hogaamiyaha oo iyagu ku nool magaalada Bole oo u dhaw caasimada,Addis Ababa.
Waxaa xabsiga la dhigay Mr Andargachew afar sano ka hor.
Mr Andargachew ayaa waxa uu ahaa xoghayihii guud ee dhaqdhaqaaqii la mamnuucay ee Ginbot 7.
Dowladda ayaa ku dhawaaqday siidayntiisa, waxa ayna sheegtay in ay qayb ka tahay dadaalada dib u heshiisiinta ee dalka ka socda.