Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo  Dowladaha hose ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo booqoasho ku jooga  Magaalada Muqdisho kulan la qaatey Wakiilka Qarmada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan isaga oo kala hadlay arrimo kala duwan.
Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Hirshabelle  ay uga wada hadlay kulankooda daadejinta golaha deegaanka degmooyinka Hir-Shabeelle iyo wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo Fatahaadaha sida jogtada ah uu u sameeyo Webiga Shabelle.
Maxamed Cali Caadle ayaa dhinaca kalana waxaa kulan uu la qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya amb, Donland Yamamoto waxaana kulankaas looga hadlay caawinta Hirshabelle iyo sidii arrimaha barakacayaasha uga saacidi lahaayeen.
Ugu dambeyntii Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay masuuliyiintaan garab istaagooda iyo sida ay uga go’antahay in ay baahiyaha jira wax kala qabtaan maamulka Hirshabelle.