Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay muran dhinaca xuduudka oo ay sheegeen inuu  kala dhaxeeyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana ay ugu baaqeen guddiga xuduudaha madaxa banaan inuu arrintaasi wax ka qabto.
Guddoomiayaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cismaan Barre Maxamed oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu jiro muran dhinaca xuduudaha oo u dhaxeeya maamulada Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir, waxaana uu guddiga xuduudaha ka codsaday inay arriintaasi soo farageliyaan, si wax looga qabto Muranka Xuduudeed ee Kala dhaxeeyo Gobolka Banadir.
Halkaan hoose ka dhageyso Coka.