Duhurnimadii Maanta ayaa kooxo hubeysan waxaa ay Xaafadda Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku dileen Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle (Qaloosh).
Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa War ka soo saartay dilkii loo geystay Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle (Qaloosh) oo kamid ah Odayaasha ka soo jeeday deegaanada maamulkaas.
Afhayeenka Madaxtooyadda Hirshabeelle Daaรขโฌโขuud Xaaji Ciro ayaa tacsi u diray dhammaan Eheladii uu ka baxay Allaha u naxariisteen Nabadoon C/raxamaan Qaloosh,isla markaana Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu uga hadlay Afhayeenka Madaxtooyadda Hirshabeelle dilkaas.
Anigoo ku Hadlaya Magaceyga Kan Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo guud ahaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxan Murugada iyo Xanuunka aan la qeybsaneyna halkaana aan Tacsi tiiraanyo leh uga direyna Eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiraxman Axmed Cabdulle (NABADOON QALOOSH).
Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa Nabadoonada Lafdhabarka u ahaa Dowlada HirShabeelle waxaase ay maanta gacan ka xaqdaran ku dishay xaafada Suuq-bacaad ee Degmada Yaaqshiid.
Dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuumka Rabbi Naxariistiisa Janno Haka waraabiyo Qabrigana Rabbi ha u Waasiciyo AAMIIN AAMIIN AAMIIN.