Maamulka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo shalay ka dhacay deegaano hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen deegaanada Basro iyo Daniga oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay Wasiir kheyre in deegaanada la weeraray ay Al-shabaab muhiim u ahaayeen, isla markaana la burburiyay goob ay halkaas ku lahaayeen, sidoo kalena weerarka lagu gaarsiiyay shabaab khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waa sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Wasiirka amniga Hirshabeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in weerarkii shalay la qaaday uu ka duwan yahay kuwo horey loo qaadi jiray, uuna ku yimid Codsi Hirshabeelle ay dirtay, kadib markii inta u dhexeeysa Jowhar iyo Balcad oo ay ka dhaceen weeraro, isagoona carabka ku dhuftay in halkaas ay noqon doonto mid nabad ah.
Dagaalkii ka dhacay deegaanada Basro iyo Daniga ee hoostega degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid lagu isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Si kastaba Al-shabaab ayaa marar badan weeraro isugu jiray mid toos ahaa iyo qaraxyo ka fulisay wadada xiriirisa Magaalada Jowhar iyo Balcad, waxaana halkaas lagu dilay Xildhibaano, Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsanaa Hirshabeelle, sidoo kalena waxaa halkas lagu dilay Ciidamo badan oo kamid ah AMISOM.