Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa ka hadlay sugida amniga doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka dhaceysa deegaanada Maamulka Hirshabeelle.
Wasiir Maxamed C/raxmaan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay inay siweyn ugu diyaar garoobeen sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee ka imaanaya deegaanada Hirshabeelle.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in howlaha sugida amniga Doorashada ay u diyaariyeen Ciidamo Boolis oo ah gaar ah oo tababar loo soo siiyay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Musharaxiinta Xildhibaanada iyo Ergooyinka dooran doona.
Sidoo kale Maxamed C/raxmaan ayaa tilmaamay inay ku dadaali doonaan si nabad ah oo ann caqabad laheyn  ay ku dhacaan doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna rajeeyay in arrimahaas ay ku dhici doonaan sidii Doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Jowhar bishii lasoo dhaafay.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Maxamed Kheyre ayuu shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga qeybahooda kala duwan, si looga hortego wax kasta oo keeni kara falal amni darro oo dhaca.
Si kastaba Doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalkaa ayaa ka dhacaya Magalooyinka dowlad Goboleedyada dalka, waxaana Hirshabeelle loo qorsheeyay Jowhar iyo Baladweyne, xili weli uu muran ka taagan yahay Doorashada dalka ee 2020/2021.