Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Maxamed Xuseen Rooble Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa saxiixay heshiis ku aaddan doorashooyinka dalka, iyadoo maanta la soo xiray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hadal ka jeediyey xaflada xiritaanka shirka golaha wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar ayaa u mahadceliyey dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo muujiyey tanaasul, u-turid, iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah, waxana uu si gaar ah ugu mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyed.
Shirka ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed Dhinacyo badan taaabanaya, waxaana Madaxdu ay isku raaceen Qodobbo ay ka mid yihiin.
In maamulka degmada Garbahaarey soo dhiso Maamulka Jubbaland kana howlgalaan guddigii doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana amniga sugaya AMISOM boolis ah.
In la badalo xubnaha guddiga doorashooyinka ee dooda dhaliyay, iyadoo kadib dhaxdooda iska dooran doona guddoomiye iyo ku xigeen.
In Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo kuwa kalaba ku milmin siyaasadda dalka. Guddiga amniga doorashada waxey la tashanayaan madaxda maamulada iyo RW Rooble.