Sarkaal ka tirsan Kooxaha Hubeysan  oo la hadlay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in la gaaray Heshiis, lana filayo in Tobanaan kun oo Dagaalyahano iyo Rayid laga wada saaro Deegaanadda ay Maleeshiyaddu ka haystaan magaalladda Aleppo.
Tallaabadan ayaa la shaaciyey, kadib, markii qeyb ka mid Heshiisyo ay ka soo shaqeeyeen Dowladaha Raashiya iyo Turkiga uu ka burburay dhanka Dowladda Syria iyo Kooxaha Mucaaradka.
Dhinaca kale, Saxafi lagu magacaabo Zuhayr Al-shimale ayaa ka mdi noqday dad lagu qiyaasay kun qof oo ay Maleeshiyadda taabacsan Dowladda Syria xireen, kadib, markii Kolonyadii gaadiidki iay la socdeen la joojiyey.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Telefishinka Aljzeera inay Ciidanka Dowladda dileen ugu yaraan 4 qof oo qeyb ka ahaa dadkii la socday Kolonyadaasi.
©Radio Dalsan