Faahfaahin  ayaa ka soo baxayso haweenkii weeraray Saldhigga Boliska Mombasa oo la sheegay inay fuliyeen 3 Haween oo la sheegay inuu asalkooda Somali yahay ayaan weli la aasin
Labo ka mid ah haweenkaasi oo Walaalo ah ayaa u sheegay Aabahooda inay soo iibsanayaan Dharka Ciiddul-Adxaha, ka hor intaysan weerar ku qaadin Saldhigga Dhexe ee Boliska ee Mombasa (The Mombasa Central police Station).
Aabahooda oo aysan isku meel deganayn gabdhihiisa ayaa Boliska u sheegay inaysan gabdhihiisa jeclayn inay haystaan Sawiro, xitaa markii ay Ardayda ka ahaayeen magaalladda Mombasa.
Labada Haween oo la kala oran jirey Tasneem Farah iyo Fadumo Cumar waxay magacyadooda u bedesheen Ramla Xuseen iyo Maymuuna C/raxmaan,
Boliska waxay sheegeen inay Tasneem oo hoggaaminaysay weerarkaasi in lala dilay Fadumo Cumar iyo haween kale oo la rumeysan yahay inay Xagjir noqdeen.
Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HAKI AFRICA ee dalka Kenya, Khaalid Xuseen ayaa ugu baaqay Qoyaska iyo Saaxiibadda Haweenkaasi la dilay inay la soo xiriiraan si loo aaso maydadka hawenkaasi oo weli ku jira Qaboojiyaha Isbitaalka Guud ee Mombasa.
“Ka Urur ahaan, waxaan helay walaac ka imaanayo Muslimiinta oo dalbanayo in maydadkaasi loo aaso sida waafaqsan Diinta Islaamka†ayuu yiri Mas’uulkaasi oo intaasi ku daray inay sida ugu dhaqsaha badan loo aasi doono.
Waxa kaloo uu sheegay inay Qoysaska Marxuuminta u fududeyn doonaan sidii ay Boliska uga wada shaqeyn lahaayeen Aaska Maydadkaasi.
©Radio Dalsan