OGAAL waa urur siyaasadeedka kaliya ee ay hawenay hogaamiye ka tahay islamarkaana La tartamaya afar iyo toban urur siyasadeed oo kale oo Somaliland ka diiwan gashan, Kuwaas oo Dhamaantood ay rag hogaaminayaan.
Rooda Cabdi Muuse oo ah gudomiyaha uruur siyaasadeedka ogaal  Waxay ka mid Ahayd haween kooban oo siyaasada Somaliland ka dhex muuqday 10-kii sano ee ugu dambeeyey.
Hawenaydan ayaa sidoo kale kamid ahayd xildhibaanadii Sanadkii 2012 ku tartamay dorashoyiinkii golaha deegaanka ee ka qabsoomay guud ahaan ba deegaanada Somaliland xiligaas oo ay ka mid noqotay haweenkii ku hungobey hankoodii siyaasadeed, doorashadaas ayaa ahayd doorasho qof iyo cod ah.
‘’Aniga caqabada ugu badan ee ihaysata waa garab la’aan, 14-nin oo ila tartamaya mid walba oo kamid ah rerkiisa wuxu ogyahay in uu guulaysanayo wayna garab taagan yihiin balse aniga ima aqoonsana, anigu waan isku filanahay waana soconaya ila inta awoodeyda ah waaxana rajeynaya inaan guulaysan doono hadii durufaha dhaqanka iyo dhaqalaha ee igu gadaman aysan iga reebin hankayga siyaasaded’’
Hawenaydan oo hayaankeeda waxbarasho ku soo qadatay wadamada yurub ayaa  soo qabatey xilaal kala duwan oo la xiriira arimaha bulshada sida caafimaadka, iyo u ololeynta ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda Somaliland.
‘’anigu waxaan xiligan iskusoo taagay sidii aan tusaale ugu noqon lahaa in gabar kasta ay xaq uleedahay inay hesho saamigeeda, haweenka Somaliland waa dadka ugu badan ee cod ka bixiya iyaga isa soo saari kara balse waxba isuma ogola taas na waxa sabaab u ah in aysan helin wacyi-gelino iyo tababaro kor uqaadaya hankooda ku aadan siyaasadda anigu waxaan raba haddii ay ii codeyaan iyo haddii aysan ii codeynin ba inaan u noqdo astaan dumarka Somaliland oo dhan.
Waxa ay sheegtay in ka maqnaanshaha haweenka ee hogaanka siyasadda Somaliland iyo xilalka mihiim ka ah ay tahay baahida ugu badan ee ku kaliftay in ay usoo istaagto mar kale Rooda loolanka loogu jiro hoggaanka siyaasadda Somaliland.
Waxay sidoo kale sheegtay in haweenka oo qiyaas ahaan lixdan boqolkiiba ka ah tirada cod bixiyayaasha dorashoyiinka Somaliland ka qabsooma aysan fahansaneyn muhiimada haweenka ay u leyihiin ka mid noqoshada siyaasada dalka taas oo sabaabta in inta badan aysan ku guuleysan haweenku ka soo muuqashada masraxyadda doorashoyiinka Somaliland.
Rooda ayaa Bilan Media usheegtay in caqabada ugu badan ee hor istaagi karta geedi socodkeeda siyaasadeed ay tahay durufaha dhaqanka iyo dhaqaalaha kuwaas oo sidoo kale laf dhabar u ah rumeynta riyadeeda siyaasadeed.
Doorashadii u dambaysay ee Somaliland ka qabsoontey waxa ku tartamay 553 murashax oo afar iyo toban ka mid ahi dumar ahaayeen kuwaas oo dhamantood ba ku haray wareegayadi kala duwanaa ee doorashada.
Halka Labaatankii sannadood ee u dambeeyay dorashooyinka golaha deegaanka, gurtida iyo wakiilada Somaliland, ay ku soo baxday hal qof oo haween ah.
Haweenka oo inta badan ka maqan saamiga iyo xilalka ugu sareeya Somaliland ayaa sanadkan marki ugu horeysay isku soo sharaxey xilka madaxweynaha Somaliland taas oo ka dhigan isbedel hor leh.
Naciima Saed Salah, wariye, Bilan Media