Dowladda Turkiga waxay ugu baaqday Yuhuudda in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo Haweeney Turkish ah, oo labo isbuuc ka hor lagu xiray caasimadda Yuhuudda ee Tel Aviv.
Haweeneydaasi oo lagu magacaao Ebru Ozkan waxaa bishii June 11-dii lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Gurion Airport ee magaalladda Tel Aviv, xilli ay doonaysay inay dib ugu soo laabto dalkeeda hooyo ee Turkiga.
Hay’addaha Ammaanka ee Yuhuudda waxay ku eedeeyeen Haweeneydaasi oo 27-jir ah  inay xiriir la leedahay Urur Argagixiso, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Maama dhashay Gabadhaasi oo lagu magacaabo Ayten Ozkan waxay beenisay Eedeymahaasi, iyadoo xarigaasina ku sheegtay mid aan caddaalad ahayn.
Maamadda oo ;a hadashay Wakaalladda Wararka ANDAOLU waxay sheegtay inay gabadheeda 2 jeer booqasho ku tegtay magaalladda Quddus-ta barakaysan ee ay Yuhuudda xoogga ku haystaan.
“Gabadheyda waxay aad u jeceshay Qudus, waxay kaloo jeceshahay dadka iyo carruurta haalkaasi ku nool†ayey tiri Maamaddaas oo intaasi ku dartay inaysan muddo 19 maalmooda wax xiriir ah ka helin gabadhooda ku xiran Yuhuudda.
Waxay sheegtay inay jeceshay inay gabadheeda noqoto Codka Reer Qudus iyo Masjidka Alaqsa iyo Hooyooyinka wadna-xanuunka qaba.
Ebru Ozkan waxaa la sheegay inay magaalladda Qudus u tagtay si ay ugu soo gudato Waajibaadkii Soonaka ee bisha barakaysan ee Ramadaan.
Waxay horey u sii qaadatay Shumacyo, Balloonis iyo Buugaagta Ardayda ee wax lagu sawiro.
Waxaa la qorsheynayey in shalay la sii daayo, iyadoo ay Maxkamddu markii labaad dhegeysatay dacwadda lagu so ooogay Haweeneydaasi u dhalatay Turkiga ee lagu magacaabo Ebru Ozkan.