Warbaahinta dalka Hinidya ayaa qoray inuu Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Narendara Moodi uu gacan ka geystay sidii loo soo badbaadin lahaa Haweeney Hindiya oo u dhaxda Nin Soomaali ah, oo iyada iyo 3 carruur ay dhashay qaab afduub ah loogu haystay Muqdisho tan iyo bishii July ee sannadkii hore.
Ra’isul-wasaaraha Hindiya waxa uu Khaadka Telefoonka kula soo xiriiray Madax ka tirsan DFS oo aan magacyadooda la xusin, kana codsaday in la so obadbaadiyo
Haweeneydaasi oo Muslimad ah laguna magacaabo Afreen Begum oo 31 jir ah ayaa la sheegay inay Boliska Somalia gacan ka geysteen sidii loo soo badbaadin lahaa Haweeneydaasi iyo saddexdeeda gabdhood.
Warbaahinta dalka Hindiya waxay qoreen inay qaar ka mid ah Qoyska saygeeda ay gacanta ku hayeen, isla markaana ka hor joogsadeen inay dib ugu laabato dalkeeda hooyo.
Haweenydaasi iyo gabdhaheeda oo ay Boliska Somalia soo badbaadiyeen bishii la soo dhaafay ee March 28-da waxay ka dhoofeen Garoonka Muqdisho, inkastoo ay Saraakiisha Socdaalka ay u diideen Haweeneydaasi inay carruurteeda ka saarto gudha Somalia.
Balse, dadaal Diplomaasiyadeed kadib, waxaa Haweeneydaasi iyo carruurteeda loo oggolaaday inay si wadajir ah u raacaan Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ku sii jeeday Adis Abeba.
Warbaahinta Hindiya waxay qoreen in Hooyadaasi iyo carruurteeda la filayo inay maanta ka degaan Garoonka magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya.
Dhinaca kale, Safaaradda Hindiya ku leedahay dalka Kenya ayaa la sheegay inay gacan ka geysteen sidii loo soo badbaadin lahaa Haweeneydaas iyo carruurteeda.
Haweenyda la badbaadiyey ayaa la sheegay inay u dhaxdo Nin Soomaali-Kandiyaan lagu magacaabo Mxaamed Xasan Ducaale, oo u shaqeynayey Hay’ad Gaar oo ku taalla magaalladda Haydarabaad ee dalka Hindiya.
Saygeeda ayaa la sheegay inay isaga, Xaaskiisa iyo saddexdooda carruur waxay bishii July 4-dii ee sannadkii hore ka soo ambabaxeen dalkaasi, si ay u soo booqdaan Qoyskiisa oo ku nool gudaha Somalia.