Warbaahinta dalka Kenya ayaa soo weriyey inuu dagaal qaraar oo dhinaca Sharciga ah u dhexeeyo Haweeney Somali oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Cali iyo Senator Stephen Ole Ntuntu oo ka tirsan Isbahaysiga Jubilee ee haya Talada dalkaasi, laga soo doorto Degmadda Narok ee Galbeedka magaalladda Nairobi.
Haweeneyda oo ka soo jeeda Degmadda Isiolo oo 85 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Nairobi ayaa sheegtay inuu Senator Stephen Ole Ntuntu u dacwaynayso sababo la xiriira isagoo diiday inuu taageero dhaqaale ku siiyo Wiil uu ka dhalay oo haatan 13-jir ah..
Haweeneyda ayaa dagaal dhinaca Sharciga ku jirta, iyadoo Dacwadeeda u gudbisay Maxkamadda, balse uu Senator-ka ka gaabsaday inuu fuliyo Amar ay Maxkamadda ugu yeertay inuu hor yimaado.
Faadumo Maxamed Cali ayaa sheegtay inuu Senatorka ka dhalay Ilmahaasi xilli ay xiriir lahaayeen, inkastoo aan marnaba xiriirkaasi la sharciyeynin, sida ay u sheegtay Saxaafadda.
Waxay Saxaafadda u soo bandhigtay Caddaymo muujinaya inuu Senator Stephen Ole Ntuntu u dhashay Wiilka, kana la’dahay inuu ku siiyo Taageeradda Dhaqaale.
Dukumentigaasi oo ay Saxaafadda baahisay ayaa muujiyey inay Dhakhaatiirta Isbitaalka Dowladda xaqiijiyeen  sannadkii 2013-kii in dheecaanka DNA-da laga qaaday Senator Stephan Ole Ntuntu iyo Wiilka uu dhalay ay yihiin hiddo-side dhalasho-wadaag ah.
Dhinaca kale, Faadumo Maxamed Cali waxay sheegtay in Qoyskeeda iyo Ninka ay ilmaha u dhashay wada naceen, isla markaana ay iyada iyo cunugeeda ku nool yihiin Nolol Saboolnimo, isla markaana laga saaray 6 guri, kadib, markii ay bixin weyday kharajkii Kirada ee lagu yeeshay.
Haweeneydaasi ayaa doonaysa inay qaado tallaabo kasta oo ku khasbi karta Senatorka ilmaha ka dhalay inuu bixiyo Biilka Wiilkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Isbahaysiga Jubilee ee hayaTalada dalka Kenya ayaan weli ka hadlin arrintan, waxayna arrintan Fadeexo mideysan ku tahay Madaxweynaha Kenya, Isbahaysiga Jubilee iyo Senator Stephen Ole Ntuntu.
©Radio Dalsan