Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Daniela Greene oo Turjumaan u ahayd Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay inay garwaaqsatay qaladkii ay ugu socdaashay dalka Syria, halkaasi oo uu ku guursaday Fannaan u dhashay dalka Jarmalka oo ka tirsan Kooxda Daacish.
Ninkaasi oo soo islaamay ayaa la magac baxay Abu Talxa Al-amaani, waxa uu horey u qaaday Hees uu ku ammaanay Hoggaamiyihii Alqaacida, Usaama Bin Laadin  iyo hees kale oo uu ku cabsi-gelinayey Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama.
Dhinaca kale, Daniela Greene ayaa la sheegay in laga debcinayo Xukunkii lagu xukumi lahaa, waxyna ilo ku dhow Xeer-ilaalinta Federalka sheegeen in lagu xukumi doono xabsi 13 sanno iyo bar ah.
©Radio Dalsan