Dhakhaatiirta Isbitaalka Fooyin University Hospital ee Jesiiradda Taywaan waxay ku guuleysteen inay haweeney isheeda ka soo saaraan 4 shinni oo wada nool.
Dhakhaatuiirta waxay dhacdadaasi ku sheegeen tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee ka dhacday Caalamka.
Shinidaasi ayaa la sheegay inay quudan jireen ilinta isha haweeneydaasi.
Haweeneyda oo 29-jir ah ayaa la sheegay inay Isbitaalka u tegtay iyadoo ka cabanaysa Infeshinka kaga dhacay Isha, balse, markii ay Dhakhaatiirta adeegsadeen Qalabka wax lagu fiiriyo ee Mikriskoobka ayey arkeen 4 shinni oo ku dhex jirta baalka isha ee haweenyda bukaanka ahayd.
Madaxa Dhakhaatiirta Qeybta Indhaha ee Isbitaalka Fooyin University Hospital ee Jesiiradda Taywaan, Dr. Hung Chi-Ting oo ka hadlay Shir Jaraa’id ayaa sheegay inu uarkay wax iigula muuqday lugaha cayayaanka, mid-mid ayaana u soo bixiyey, mise waa afar shinni oo wada nool.
Waxa uu tilmaamay in shinnidaasi lagu samayn doono cilmi-baaris, si wax badan looga ogaado qaabka ay ugu dhex noolaan karaan indhaha dadka.
Sidoo kale, Haweeneydaasi ayaa sheegtay inay shinida isha ka galeen xilli ay joogtay meel Qabuuro, iyadoo inta badan Jesiiradda Taywaan shinida laga helo Buuraha iyo goobaha ay ku yaalla Qabuuraha.