War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Mohamed loo magacaabay mid ka mid ah La-taliyayaasha Guddoomiyaha Golaha Guud ee QM, Miroslav Laják.
Amina Mohamed oo asal ahaan Somali ah ayaa la sheegay inay iyada iyo 14-La Taliyayaal kale kala talin doonaan Guddoomiyaha Golaha Guud ee QM sida ugu wanaagsan ee uu u horumarin karo muhiimadda hawlaha hor yaalla, oo ay ka mid yihiin Dib-habaynta QM, Dhexdhexaadinta, Ka-hortagga Colaadaha , Hawlaha Nabadda, Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Aadanaha.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in Kooxda La-taliyayaasha cusub ee la magacaabay Kulankooda ugu horreeya bishan October 6-da ku yeelan doonaan Xarunta Dhexe ee ku taalla magaalladda New York.