Baarayaasha Boliska ayaa hadalkaasi ka hor sheegay Maxkamadda magaalladda Mombasa oo ay shalay ka soo hor muuqdeen saddex haween oo lala xiriirinayo inay ehel ahaayeen gabdhihii fuliyey weerarkii Axadii hore lagu qaaday Saldhiga Dhexe Boliska ee Mombasa.
Saddexda Haween ee la soo taagay Maxkamaadda Mombasa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Naciima Maxamed Axmed, Saciida Cali Xaaji iyo Shukri Cali Xaaji, waxaana la filayaa inay mar kale maanta la hor keeno Maxkamadda Mombasa..
Haweenkaasi ayaa la sheegay inaysan ku hadli Karin Luqadaha Sawaaxiliga iyo Englishka, waxaana haweenkaasi ka mid ah Haweeney dhagool ah.
Dhinaca kale, Baarayaasha Boliska Kenya ayaa ku hawlan sidii faahfaahin dheeraad ah loogu heli lahaa Shaqsiyadda saddexdii gabdhood ee lagu dilay weerarkii ay ku qaadeen Saldhigga Dhexe Boliska Mombasa.
Baarayaasha waxay u sheegeen Wargeyska The Nation in 2 ka mid ah gabdhaha weerarka fuliyey ahaayeen Walaalo, oo la kala oran jirey Tasniim Faarax iyo Faadumo Cumar, balse ay magacyadooda u bedesheen  Maymuuna C/raxmaan Xuseen iyo Ramla C/raxmaan Xuseen.
Boliska iyo Warbaahinta Kenya waxay horey u shaaciyeen in gabadh lagu magacaabo Tasniim Yacquub Abdullahi Faarax hoggaminaysay gabdhahii weerarka ka geystay Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa.
Maydadka gabdhaha lagu dilay weerarkaasi ayaan weli la aasin, waxayna Madaxda Golaha Islaamka qabanqaabinayaan in maydadkaasi loo aaso si waafaqsan Shareecadda Islaamka.
©Radio Dalsan