Boliska Kenya ayaa sheegay inay maanta Maxkamad soo taagi doono 2 Haweenet oo ku guul-daraystay inay Boliska ku soo wargeliyaan in nin ay Jaal ahaayeen oo u soo safray Somalia, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab bishii November ee sanadkii hore ee 20116-kii.
Wargeyska The Standard ee ka soo baxa Nairobi oo dhacdadan soo daabacay in Haweenkaasi oo lagu kala magacaabo Eunice Wanjiku Wachira iyo Caroline Mwangi maanta la soo taagayo Maxkamad ku taalla Nairobi.
Boliska waxay kaloo sheegeen inay Caroline Mwangi si gaar ah xiriir dhow ula lahayd Ninka ku biiray Alshabaab, kaasi oo ay Boliska Kenya magaciisa ku sheegeen Erick Njoroge, kaasi oo ahaa Ganacsade iibin jirey  Kabaha Mustacmalka ah.
Boliska Kenya waxay kaloo sheegeen inay si ikordhayaan Dhallinyarada Kenyanka ee ku biiriya Alshabaab, inkastoo ay Dowladda Kenya hoos u dhigayso arrintaasi.
©Radio Dalsan