Qaban qaabadii ugu dambeysay ee xareynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada Baralmaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka soconeysa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhameystiri lahaa odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaannada, iyagoo guddiga hoosta ka xariiqay in muddo saddex cisho ah ay u qabteen xalinta ciddii cabasho ka qabta soo xulista odoyaasha dhaqanka.
Guddiga farsamada ee maamul dhisida Galmudug loo dhanyahay ayaa sheegay in iminka meel gabo gabo ah ay u mareyso xareynta odoyaasha soo xuli doono Xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.
Shalay ayay ahayd markii Xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Shacabka iyo Aqalka ee dalka ay tegeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana haatan magaalada ku sii qul qula mas’uuliyiin kala duwan.