Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo gelinkii dambe ee shalay kasoo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay ku hoyday deegaanada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.
Xaaf ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana socdaalkiisa ku wehlinaya Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay Xaaf iyo xubno kale.
Wafdigaan ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay gaaraan Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka socda qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hogaaminayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xildhibaanada ayaa Madaxweynihii hore ee Galmudug kala hadlay Arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo xalinta Cabashada uu ka qabo Doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xildhibaanada ay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ka dalbadeen inuu ka qeyb galo Munaasanadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaana uu xilka ku wareejiyo.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa qabana-qaabada soo dhaweynta Xaaf, waxaana markii uu tego halkaas uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweyne Qoorqoor, kuwaasi oo lagu xalinayo cabshooyinka jiray iyo Arrimo kale.