Diyaarad ay la socdeen G/xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug,  Xareed Cai Xareed  iyo 15 Xildhibaan oo la socotay  ayaa loo diiday inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda KMG Galmudug ee Cadaado.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan in Ciiddanka Galmudug is-hortaageen Xildhibaano iyo dad kale oo doonayey inay Wafdiga uu hoggaaminayey G/Xigeenka Koowaad ee Barlamaanka Galmudug ku soo dhaweeyaan Garoonka Cadaado.
Wafdigaasi ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii horey u sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, inkastoo uu Madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay hadalkooda, soona rogay Xukun Degdeg ah.
Dhinaca kale, Diyaaradda ay la socdeen Wafdigaasi ayaa Duhurnimdii maanta dib ugu soo laabatay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaallada Muqdisho.
©Radio Dalsan