Allaha u naxariistee Waxaa Maanta Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka mid ah Baarlamaanka Dowlad Goboleedka galmudug.
Xildhibaanka ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas uu ku furay Gaari kale oo uu watay xildhibaan Maxamed Abuukaate oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xildhibaan Abuukaate oo la hadlay Radio Dalsan aya sheegay in gaarigiisa uu ku dhacay gaariga kale ee xildhibaanka geeriyooday taasna ay sababtay in y ka shakiyeen ilaaladiisa.
Waxa uu sheegay markii labada gaari ay isku dhaceen in uu Baastoolad la soo baxay Allaha u naxariistee Ex Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed deetana uu rasaas ku riday mid ka mid ah ilaaladiisa dhaawac ahaana isbitaal loogu qaaday in kastoo oo markii dambe uu geeriyooday.
Xildhibaan Garaad Yuusuf Qowqabe oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa Dalsan u xaqiijiyay geerida Marxuum xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed, waxa uuna uga tacsiyeeyay Ehelkiisa in Samir Iimaan uu Eebe ka siiyo.