Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ka ambabaxay gaadiid farabadan oo gurmad ballaaran u sida dadkii waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Magaalada Qardho ee Xarunta Karkaar ee Puntland.
Duqa Magaalada Garoowe Axmed siciid Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Garoowe ay ka sagootiyeen gaadiid gurmad u sida Qardho, waxaana gurmadka uu isugu jiraa cuntooyinka bisil sida timir, caano, buskud, kalluun, biyo nadiif ah iyo agabyo kale.
Waxaa uu sheegay Duqa Garoowe in Qiyaas ahaan Gurmadka uu ku filan yahay 600 qoys, wuxuuna xusay in gurmadkaan uu yahay kii ugu horeeyey, ayna diyaarinayan gurmadyo kale oo waaweyn.
“Waxaan u mahadcelinayaa shirkadihii iyo shasiyaadkii ka qaybqaatay samafalkan Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhallinyaradii madaalayaasha ahayd ee rag iyo dumarba isugu jirey iyo bahda bulshada rayadka ah iyo gudoonka gobolka Iyo madaxda kale ee Puntland†ayuu yiri Duqa Garoowe.
Si kastaba Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa waxaa ka socda gurmad xoogan oo loo sameynayo dadkii shacabka ahaa ee waxyeelada kasoo gaartay daadadkii habeen hore halkaas ku rogmaday.