Ciidamo daacad u ah Maamulka KG ayaa maanta joojiyey Guri qaabeyn lagu waday oo uu lahaa Sharif Xasan Sh. Aadan Madaxweynihii hore Maamulkaasi, waxaana Gurigu uu ku yaallaa agagaarka madaxtooyada .
Dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u xaqiijiey in Weerarka lagu qaaday Guriga shariif hassan Sheikh Adan, waxaaana weerarka lagu joojiyey dhismaha sameeyey Askar wadatay  Labo gaari, kuwaasi oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hawalwadeenada hawsha qalabeynta ah waday ayaa lagu xirey saldhiga Ciidamada Booliska ee magaalada baydhabo, sida wararku sheegyaan.
Ma’uuliyiin ka tirsan Maamulka KG oo aan la xiririnay waa ay ka gaabsadeen iney ka hadlaan, sidoo kale Sharif Xasan saraakiil ku dhaw dhaw waa diideen iney dhacdadan ka hadlaan.
Shariif Xasan ayaa ahaa madaxweyinihi ugu horreeyey ee KG waana aasaasihi maamulka oo si nabada Baydhaba uga tagay waxuu labo  mar uu  soo noqday gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya waana siyaasi galangal xooggan wali ku leh siyaasadda deeganada Koonfur Galbeed, isagoo ka tirsan mushraxiinta hadda kasoo horjeeda aragtida dawladda ee doorashada .