Gudoomiyahii degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellaha hoose Cabdiraxmaan Sabdow Daahir ayaa la shaaciyey inuu ka mid ah dadkii shalay ku geeriyooday qaraxii ka dhacay wadad Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho.
C/raxmaan ayaa ka mid ahaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Shabeellaha hoose ee Dibad-joogga ku ahaa Magaalada Muqdisho, kuwaasoo aysan u suurta gelin inay tagaan Deegaanada xilalka ay ka hayaan.
Qarax gaari loo adeegsaday ayaa shalay ka dhacay maqaayada Itaaliyaan oo ku taala ka soo horjeedka Shaneema Soomaaliya ee wadada Maka-almukarama, kaasi oo ay ku dhinteen xubno uu ka mid ahaa gudoomiyihii Kuntuwaareey ee Sh/hooose, kaa soo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.