Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo haatan Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere kaga qeyb galaya banaanbax looga soo horjeedo qaraxii lagu xasuuqay Shacabka ayaa aad ugu dheeraaday ka hadlida qaraxaas.
Gudoomiyaha oo khudbad u jeedinayay boqolalka ruux ee ka soo qeyb gala dibadbaxa ayaa ka codsaday dadka isticmaala Baraha Bulshada in ay si deg deg ah uga saaraan sawwirada naxdinta leh ee muujinaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Soobe.
Waxa uu sheegay in hadii Baraha bulshada lagu soo bandhigo taasi ay keeni karto walaaca ay qabi karaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aan ku sugneyn Muqdisho ee banaanka ka jooga.
Khudbadda Gudoomiyaha oo dhinacyo badan taabaneysa ayaa weli ka socota Taalada Daljirta Daahsoon ee degmada Boondheere Gobolka Banaadir.
Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com