Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale  ayaa maanta isagoo Booqasho ku tagay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee  Bakaaraha gaar ahaan goobihii dhawaan gubtay waxa uu diginiino  u diray Ganacsatada Suuqaasi iyo Shirkadaha bixiya Adeega Korontada.
Gudoomiye Madaale ayaa sheegay in sababta khasaaraha uu geystay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha sii kordhisay ay ahayd  Waddooyinka oo ciriir noqdey isla markaana Gawaarida Dab Damiska Waddooyin ay soo maraan ay waayeen xili ay donayeen in ay bad baadiyaan Qaar ka mid ah Hantida Ganacsatada Soomaaliyeed ee Suuqaasi.
Waxana sidoo kale uu digniin adag u diray Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale  Shirkadaha Bixiya Adeega Korontada  taas oo ku aadan in ay filoyinka farah badan ee dul heehaabaya Suuqaasi ay dhulka hostiisa marsiiyaan si looga baaqsado dab ka dhasaho Korontadaasi.
Bishii aan ka soo gudubnay ayey ahayd markii Dab xoogan oo khasaaro sababay uu ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha.