Sheekh Axmed Cabdullaahi Fanax Gudoomiyaha Maxkamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ay sababo amnidaro aawgeed uga soo guurtay Magaalada Baydhabo.
Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay horay u soo qaadeen Go’aano ay ku joojinayeen dad uu sheegay in sharcidaro ah lagu xiray balse taasi laga soo horjeestay.
Waxa uu sheegay in Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Shariifka ay Xarunta Maxkamada keeneyn ilaa 7 ruux kuwaas oo u xilsaaran qaadista dacwada taas oo noqotay caqabad horleh.
Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Shaqadii Maxkamada ay ka socon weysay taliyaha Booliiska Gobolka Baay Mahad C/raxmaan Aadan sidaas daraadeedna Xafiiska Maxkamada Sare sababo amnidaro aawgeed loogu raray Gobolka Shabeellaha Hoose.