Duhurnimadii maanta ayaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay waxa uu ku qarxay wadada laamiga ah ee gasha Iskooska Xaawo Taako,xiliga gaariga qarxayay ayaa waxa mashquul laga dareemayay Maqaaxida Banooda oo garabka ku heesta wadada laamiga ah ee gaariga ku qarxay.
Qaraxa ayaa wax khasaaro nafeed geesan balse bur-bur ayuu u geestay gaari wadad dhinaceeda la dhigay oo ay la socdeyn dhalinyaro ka qadeenayay maqaaxida banooda,lama oga bartilmaameed Gaarigaasi qarxay.
Gudoomiyaha Degmada Boodheere Qaasima Cabduule Xasan qaasim dheere ayaa qarax kadib goobta suxufiyiinta kula hadlay waxaana uu sheegay in qaraxa uu san qasaaro geesan isaga oo cambaareeyay falkaasi.
Talaadadii ayey aheyd markii iskooska Xaawo taako meel aan sidaa uga fogeyn goobta maanta uu qaraxau ka dhacay ayaa waxaa ka dhacay Qarax loo adeegsaday gaari kaa oo keenay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ku dhawaad 10-ruux ayuu galaaftay Goobtan qaraxa.