Waxaa jiray in dhawaan Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay xilalkii ka qaaday ilaa 15 Gudoomiye degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir islamarkaana ay keentay kuwo kale oo bedelay masuuliyiintaas oo qaarkood mudo kooban hayay xilkaas.
Xog ay heleyso Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegeysa in Gudoomiyaashii xialalkaas laga qaaday badankood ay aadeen dhanka Magaalada Cadaado si ay xilal uga helaan Maamulka Galmudug oo dhawaan doortay Axmed Geelle ducaale(Xaaf) in uu hoggaamiyo.
Dad lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in Gudoomiyaashi xilalka laga qaaday ee Gobolka Banaadir ay hada doonayaan in ay ka soo dhex muuqdaan Maamulka Galmudug iyagoo doonaya in ay helaan xilka Wasiirnimo iyo wax u dhigma.
Masuuliyiin ilaa iyo hada Magacyadooda la helay ee doonaya xilka Wasiirnimo ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay kala yihiin.
1: Axmed Nuur Cabdi Siyaad Gudoomiyihii hore ee Degmada Deeyniile.
2: ΓΒ Qaasim Cabdullaahi Xasan Gudoomiyihii hore ee degmada Boondheere.
3:ΓΒ Yaasiin Nuur Ciise Gudoomiyihii hore ee degmada Warta-Nabada
4: ΓΒ Axmed Cusmaan Dhoore Gudoomiyihii hore ee degmada Xamar-Jajab
5:ΓΒ Maxamed Muumin Maxamed Gudoomiyihii hore ee degmada Waaberi
6:ΓΒ C/Qaadir Cali KulaneΓΒ Gudoomiyihii hore ee degmada Hodan
Magaalada Cadaado ayaa waxaa hada ka socda olole ay ku doonayaan in ay ku helaan xilaka Wasiirnimo ama ku xigeen,waxana xusid mudan in xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay Madaxweyne Xaf,u qabteenb mudo 75 Maalmood Gudahood ah in uu ku soo magacaabo Golihisa Wasiirada