Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali oo kamid ah gudiga gurmadka abaaraha Galmudug ahna xubin kamid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay qaabka loo wajahayo gurmadka la gaarsiinayo deegaanada abaartu ay saameysay.
Lacag dhan 150,kun oo dollar ayaa gudiga gurmad abaaraha heer federal waxa uu dhawaan ku wareejiyay gudiga gurmad abaaraha Galmudug taasi oo iminkaba lagu bilaabay biya-dhaamin deegamada abaartu ay saameesay.
Xildhibaan Farxiyo ayaa Dalsan u sheegtay in 11-degmo oo katirsan deeganada Galmudug gurmadkaa la gaarsiinayo.
Waxaa maalmihii dambe soo baxay cabasho ka imaanayay deeganada Galmudug oo la xiriirta hanaanka loo wajahayo gurmad abaraaha iyada oo taasi gudiga gaashaanka uu ku dhuftay.
Halkan ka dhageyso Waresiga Xildhibaan Farxiyo Xasan Cali: