Xildhibaanada Baarlaamanka Soomaaliya ayaa Maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Maanta oo qorshihiisu ahaa ka hadlida Akhrinta Koowaad ee Hindise Shrciyeedyada Waxbarshada iyo Biyaha, balse waxaa la Magacaabay Guddi ka soo tala bixiya arrinta muranka dhalisay ee ku saabsan dhiibistii Cabdi Kariim Muuse Qali dhagax.
Kulankii dhacay 13 Bishaan ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxa ay ka keeneen Go’aankii ka s oo baxay Golaha Wasiirada Sooamaliya 6,dii Bishaan ee ku aadanaa in Cabdi Kariim Muuse Qalbi dhagax lagu wareejiyay Itoobiya wareejiyay, ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF uu yahay mid Argagaxiso ah.
Intaas kadib waxaa Maanta la soo bandhigay Guddi ka kooban 15 xubnood ku waas oo ka soo tala bixin doona, kuwaas oo laga soo xulay Gudaha Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxa ayna kala yihiin.
Hoos Ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada
1:- Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble Casoowe.
2:- Xildhiban Axmed Mayow Cabdulle
3:-Â Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar
4:- Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa
5:- Xildhibaan Cabduqaadir Sh. Cali Ibraahim Baqdaadi.
6:- Xildhibaan Cali Yuusuf Cusmaan Ganey
7:- Cali Yuusuf Cali Xoosh
8:- Xildhibaan Hani Maxamed Aadan
9:- Lutfi Shariif Maxamed Cumar
10:- Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim
11:-  Xildhibaan  Maxamed Axmed Maxamed Garweyne
12:-Â Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoow
13:- Xildhibaan Ibraahim Maxamed Cabdi Diyeeshe
14:- Xildhibaan Prof. Maxamed Cabdi Maxamed Gandi
15:- Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd
Ugu dambeyn Guddigaan ayaa laga codsaday in Xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay Warbixin u soo gudbiyaan 10ka bisha October ee Sanadkaan