Bukola Saraki ayaa sheegay inuu isaga baaxay Xisbiga haya Talada dalkaasi ee APC, xilli ay 7 bilood ka harsan tahay Doorashadda Madaxtinimadda ee dalkaasi.
Go’aankiisa waxa uu ku soo bandhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, balse ma sheegin Xisbiga Cusub ee uu ku biiri doono.
Isbuucii la soo dhaafay, Tobanaan ka tirsan Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Nigeria oo horey u taageersanaa Xisbiga haya Talada dalkaasi ayaa waxay badankooda ku biireen Xisbiga Mucaaradka ee PDP.
Dhinaca kale, Madaxweyne Muxamadu Bukaari oo hoggaamiya Xisbiga haya Talada dalkaasi waxa uu tilmaamay inaysan walaac ku haynin Siyaasiyiinta ka goostay Xisbigiisa, kuna biiray Mucaaradkisa.
Waxa uu tilmaamay inaysan wax dhibaato ah u keeni doonin Xisbigiisa doorashadda Madaxtinimadda ee dhici doonta bisha Feberaayo ee sannadka soo socda.