Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ku amray inay soo xaadiraan fadhiyada Golaha Shacabka.
Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Wasiirada ah fasax loo ogolyahay oo kaliya markii ay ku maqan yihiin Shaqo muhiim ah,bals hadii shaqo aysan  jirin looga baahan yahay inay soo xaadiraan kulamada.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbali doono Xildhibaanada inta badan kamaqan Kulamada uu yeelanayo Golaha,isagoona faray in dhammaan Xildhibaanada laga soo qeyb galaan fadhiyada Baarlamaanka si loo dardargeliyo shaqooyinka horyaalla.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in tirrada Wasiirada ka tirsan Xildhibaanada ay aad u badan yihiin,isla markaana laga doonayo in markasto ay goobjoog ka ahaan kulamada.
Hadalka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa waxaa yimid kadib markii Maanta uu furmay kulankii 1-aad ee kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka,kaasi oo dhawaan sirasmi ah u daah-furay Madaxweyne Farmaajo.